Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
14/03/2024 Duración: 02minBoliiska ayaa saqafyada magaalada Malmö ku meeleeyn doona qalabka duula. Lacagta caddaanka ayaa weli muhiimad ku fadhida. Xisbiyada Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ayaa albaabka u furay in dib loo xeereeyo sacadaha macalimiinta. Booliska oo ay haysato dhar la'aan iyo qalab la'aan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/03/2024 Duración: 02minHaweeney ku nool nawaaxiga Ångermanland ayaa lagu soo oogay dacwad ah xadgudub aad u daran iyo isku day dil oo ay u geysatay gabadheeda oo dhigata dugsiga xanaanada. Ma cadda haddii - iyo goorta - beerta biyaha Oceana ee Liseberg oo ku taalla magaalada Göteborg dib loo dhisi karo dabkii ka kacay ka dib. Darawalada gaadiidka yar ee xamuulka lagu qaado aaya ah kooxda shaqada ee ugu shilalka badan ee warshadaha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/03/2024 Duración: 03minDiyaaradaha dagaalka F17 ee ka soo duulayay garoonka Kallinge ee gobolka Blekinge, ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii ugu horeeyay ee Iswidhan oo xubin ka ah NATO. Greta Thunberg oo ay weheliyaan dad kale oo u dhaqdhaqaaqa cimilada, ayaa xannibay jidadka soo gala baarlamaanka. Waxaa jira farqi xooggan oo u dhexeeya qiimaha tallaallada TBE ee u dhexeeya gobollada dalka. Ardayda dhigata dugsiyada dawladda ayaa ka wanaagsan ardayda dhigata dugsiyada madaxa bannaan marka ay u gudbaan jaamacadaha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/03/2024 Duración: 01minMadaxda maamullada waaxaha baarlamanka ayaa la siin doono aqoonkororsi la xiriira muqaadaraadka iyo masuuliyadda bii'ada shaqo. Tartanka heesaha hirgaley ee Yurub ayey sannadka u meteli doonaan fannaaniin u dhashay dalka Noorwey. Ciidanka ammaanka ayaa baaris ku haya faldembiyeedyo la xiriira dil iyo meel kaga dhac meyd oo ka dhacay nawaaxiga Värmdö.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
08/03/2024 Duración: 01minToban qof ayaa lagu soo oogay dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Faraskii Iswiidhan ugu da'da weynaa ayaa dhintay. Afar qof oo lagu raadjoogay ayaa la dhigay xabsiga, waxa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dil.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
07/03/2024 Duración: 02minSweden ayaa u soo bandhigtay Israel iyo EU wada xajood la xidhiidha baahida binadamnimo ee ka taagan Qaaza. Sanadkii hore waxa Sweden ku dhashay tiraduu ugu yareyd ee ilmo ay haween dhalaan. Xirfadda ugu caansanayd sannadkii 2022 ayaa ahayd xirfada kalkaaliyaha hoose.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/03/2024 Duración: 02minMaxkamadda sare ayaa go'aan ku gaartey in aanay ogolaansho siin dacwaddii caanka ahayd ee Hmiid Nouray. Laba ka mid ah dayuurradaha bambooyinka qaada oo laga leeyahey dalka Mareekanka ayaa dulmarey caasimadda Stockholm. Nin 35 jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta inuu ka dambeeyay isku day dil.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/03/2024 Duración: 02minXasaasiyada geedaha laga qaado ee xiliga gu'ga ama pollen ayaa sannadkan la saadaaliyaya in uu noqon doono mid ka khafiifsan kii sanadkii hore. Bariga Dhexe ayaa ahaa suuqa ugu kobaca badan dhoofinta ee shirkadaha Iswiidhusku sameeyeen sannadkii hore. Dhibaatada ka jirta gelitaanka adeegga sanduuqa boostada dhijitaalka ah ee Kivra ayaa wali barteeda ka sii socota.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/03/2024 Duración: 02minQiimaha cunnada ayaa ku socdo koror heerka ugu deg dega badan muddo sannad ku dhawaad. Norway ayaa guul ka gaadhay sanadkan tartanka ee Vasalopp, oo sanadkan 100 jirsaday. Xiddiga usha ku booda ee Armand Duplantis ayaa sidii la filayey ku guuleystay biladda dahabka ee ciyaaraha gudaha adduunka ee ka socda Glasgow. Andreas Kramer ayaa shalay ku guuleystey biladii ugu horeysay abid ee Iswidhan ay ka hesho ciyaaraha adduunka ee tartanka orodada masaafada dhexe ee dhanka raga oo ka socda Glasgow.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/03/2024 Duración: 01minDugsi hoose dhexe oo ku yaalla Skövde ayaa maanta loo xiray sababa la xiriira calool xanuun ku yimid ardayda iyo shaqaalaha. Nin ayaa loo xiray tuhuno kharibaad ah ka dib markii uu dab ka kaciyay godka tareenka maro ee garoonka diyaaradaha Arlanda. 143 bisad-duureed ayaa laga yaabaa in la toogto marka ugaarsiga shatiga uu bilaabmo maanta oo Jimca ah.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
29/02/2024 Duración: 02minCisbitaalka Jaamacadda Karolinska ayaa noqdey cisbitaalka toddobaad ee ugu wanaagsan adduunka. Gabadh 15 jir ah oo askari candhuuf ku tuftay ayaa lagu xukumay 30 maalmood oo ganaax ah iyo 8000 oo karoon. Nin saddex jeer galay gegida diyaaradah Arlanda oo la xukumay. Maalintii arbacada tukamada ICA iyo Apotek Hjärta suurtogal may ahayn in card wax lagaga iibsado.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/02/2024 Duración: 02minGobolka Östergötland ayaa ku wargeliyay 900 oo qof in shaqada laga joojinayo, sida ay sheegtay laanta idaacadda ee P4 Östergötland. Tirada magangelyo-doonka ee Midowga Yurub ayaa kordhay sannadkii hore, sidaa ayaa muujinaysa warbixin sannadeed cusub. Sannadkii hore, ku dhawaad 100,000 oo carruur ah ayaa muddo ka badan sugay baaritaanka cilmu-nafsiga carruurta iyo dhallinyarada (BUP) marka loo eego 30kii maalmood ee dammaanadda daryeelka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/02/2024 Duración: 02minSubaxnimadii Talaadada ayey labo tareen isku dhacayeen magaalada Göteborg halkaa oo ey 10 qof ku dhaawacmeen. Waxaa jira falcelin wanaagsan oo ka imaanasaya wadaammada dariska la ah Iswiidhan ee la xiriirtq ku dhawaaqista ku biiritaanka NATO. Ciyaaryahanka kubaadda cagta Kristoffer Olsson oo xanuunsanaya.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/02/2024 Duración: 02minMaanta ayay bilaabatay maxkamadeynta dilkii loo geystay hooya hogaamiye kooxeed ka tirsanaa shabakada Foxtrot dayrtii hore. Tan iyo markii sharciga cusub ee dhageysiga taleefoonada uu dhaqan galay 1-da Oktoobar ee sanadkii hore, in ka badan 30 qof ayaa la xiray. Maamulka dawladda Danmark ayaa go'aan ku gaaray inuu xiro baaristii qaraxyadii ka dhacay tubbooyinkii gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2. Tirada dadk geeriyooda iyaga oo qaal lagu leeyahaa noloshooda ayaa kor u kacday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/02/2024 Duración: 03minHungary ayaa Sweden ka iibsanaysa afar diyaaradood oo nooca JAS Gripen ah. Labo nin ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, kadib markii lagu helay dambi ah inay dil u geysteen aabe 39 jir ah. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa deg deg u baadhi doona in mar kale loo ogolaan doono in Sweden in laga soo saaro macdanta Yuraaniyaamka. Faafida Covid-19 oo aad hoos ugu dhacday
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
22/02/2024 Duración: 02minHay'adda sirdoonka ee wakaaladda difaaca Iswiidhen ee FRA ayaa hanjabaadyada badan oo ku soo biiray Sweden ku qeexday inay yihiin dabeylo duufaan. Hay'adda laanta socdaalku waxay diidi doontaa qiyaastii 300 oo codsi ogolaansho shatiga shaqada. Nin 20 jir ah oo bishii Jannaayo ka baxsaday guryaha lagu hayo dhalinyarada ee SIS, ayaa boolisku xidhay. Hilib caydhin iyo cunto badan ayaa sababay in ey yari ku dhinto magaalada Malmö.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/02/2024 Duración: 02minDadka deggan guri dabaq ah oo ku yaal degmada Uplands Väsby ayaan loo ogolayn inay ka baxaan guryahooda.Hoolka lagu ciyaaro padel ee magaalada Östersund ayaa dumay, sida ay soo werisey P4 Jämtland.Ururka macallimiinta ee dalka Iswiidan ayaa dowladda ku dacweeyay takoor. Degmada Boden kama keensan doonto caawiye kalkaaliyaye cafimaad wadanka Isbayn Spain .
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/02/2024 Duración: 02minCodsigii Sweden ee Nato iyo baarlamanka Hugeriya. Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson wuxuu u oggolaaday xaaskiisa inay u raacdo safarro kharash bilaash ah. Fardihii wey ilmeeyeen oo waxay bilaabeen inay baxsadaan xilli koox ku jirtay dalxiis fardo fuul ah deegaanka Djurgården ee Stockholm xagaagan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/02/2024 Duración: 02minShidaalka naaftada oo jabey. Aabe khiyaameeyay Hay'adda Caymiska bulshada inuu wiilkiisu u baahan yahay caawiye. In ka badan kala badh dhammaan Cagafyada nooca loo yaqaan A ma dhaafaan kormeerka. Iswiidhan waxay qaadatay dahab, qalin iyo maar koobkii adduunka ee barafka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
16/02/2024 Duración: 03minXildhibaan Morgan Johansson ayaa xaaskiisa maxkamadda racfaanka ku heshay dambi ah inay jabsatay xog dhanka kombuyuuterka. Sara Skyttedal oo xisbiga Kristdemokraterna u fadhida baarlamanka EU-da ayaa khamiistii shalay sheegtay inay ka baxday xisbiga KD. Xisbiyadii wada saxiixday heshiiskii Tidö ayaa doonaya in gacan bir ah lagu qabto waalidka ku khasba carruurta iney xijaab xirtaan. 15 qof oo ka koobnaa saddex kooxood oo gaar u kala socday ayuu ku dhacay calool xanuun.