Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Sinopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodios

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    28/06/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sida ay muujineyso cilmi-baaris laga sameeyey Iswiidhen iyo Norway ayaa muujineysa siinta caruurta yar subagga lawska, ukunta iyo caanaha oo yaraysneyso khatarta ah inay xasaasiyad u ye yeeshaan noloshooda dambe.iyo Fiidnimadda caawa oo salaasa ah, saacadu marka ay tahay, 18.30 ayaa xulka qaranka gabdhaha Iswiidheni ay la kulmidoonaan dhiggooda xulka Brazil, kulan addag ka hore tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Yurub.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    27/06/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta ayuu xukunkii ugu horreeyay la riday ka dib rabshadihii ka dhacay Sveaparken oo ka tirsan degmada Örebro, halkaas oo 71 boolis ah lagu dhaawacay. Iyo Salaasada berito ah ayey kulmi doonaan madaxa dawladda Iswiidhen Magdalena Andersson, iyo madaxweyneyaasha waddammada Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Finland Sauli Niinistö, sidii ey uga wada xaajoon lahaayeen codsiga ey waddammada Iswiidhen iyo Finland ku dooneyaan sidii ey ugu biiri lahaayeen ururka gaashaanbuurta NATO iyo warar kale

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    21/06/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhan waxay ku socotaa xaalad hoos u dhac dhaqaale, sida uu sheegay machadka cilmi-baarista is bedbedelka dhaqaale.Hoose u dhacan ayaa loo sababeeye inuu asal ahaan ugu wacanytahay masiibadii caabuqa Covidka iyo qiimaha tamarta, raashinka iyo dhaamaan badeecooyinka dadku isticmaalaan oo si baahsan sare u kacay. iyo Labo nin ayaa si xun loo dhaawacay oo mid ka mid ah ay naftiisa halis ku jirto, kadib markii ay subaxnimadii maanta lagu weerar toorey ( shay af badan) goob ku dhaw Garaash ku yaalla magaalada Västerås.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    20/06/2022 Duración: 03min

    Warkii oo kooban Sweden iyo Finland ayaa maanta oo isniin ah kula kulmi doona xarunta gaashaanbuurta Nato wafdi ka socda dalka Turkiga si ay uga wadahadlaan diidmada Turkiga ee dalalkaasi ey ku doonayaan ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO. 98 dhakhaatiir ah oo shahaadooyinkooda ka soo qaatay waddan ka baxsan Middowga Yurub iyo waddamada lagu magacaabo aagga dhaqaalaha Yurub (EU/EES) ayaa lagu ansixiyay imtixaanka aqoonta qoraalka ee sannadkan - waana saamigii ugu badnaa ee ku guuleeysta imtixaan noocan ah. Cunnada ciidda bartammaha kuleylaha oo sannadka ugu qaalisan.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    17/06/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waddammada Yukrain iyo Moldavia waa in loo ogolaado iney noqdaan waddammo u taagan xubinnimada ururka waddammada ku bahoobey EU, sida ay dawladda Iswiidhen soo jeedisay iyo Agaasimaha guud ee Finansinspektionen Erik Thedéen ayaa loo magacaabi doonaa inuu noqdo gudoomiyaha bangiga qaranka marka uu wakhtiguusu dhammaado guddoomiyaha iminka haya Stefan Ingve.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    16/06/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wasiirrada gaashaandhigga ee NATO ayaa u ballan qaaday hub cusub Dalka Yukreyn, laakiin ma jirin xog cusub oo ku saabsan codsiga Sweden ee ku biiritaanka Gaashaanbuurta NATO.Wasiirka Difaaca Peter Hultqvist ayaa ka gaabsaday ka dib markii uu la kulmay dhiggiisa Turkiga oo xalay ey casho ku wada qaateen magaalada Brussels iyo Dilalka ragu dumarka ugeystaan oo sanadkan badanaya.IWM

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    15/06/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Barnaamij saaka idaacadda ka baxay oo aad ku maqasheen baahi ballaaran oo loo qabo goobaha xabsiyada iyadoona dembiileyaal uu xukun ku dhacay ey dembiyo kale galaan inta ey sugeyaan inta xabsiyada boos looga heli doono, iyo Saxmadii ka jirtey gegida Arlanda oo layaraynayo iyada oo la furay busteejo 4aad. Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    10/06/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xisbiga moodaraadka iyo hoggaamiyahooda Ulf Kristersson ayaa raba in la mamnuuco guurka ilmo adeerka iyo ilmo abtiga, Dhibaatada dhaawacyada soo gaara ciyaartooyda Iswiidhen ayaa sii socota, laba ciyaartoy oo cusub ayaa loogu yeedhay xulka qaranka iyo warar kale

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    09/06/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wax-soo-saarka dalka Iswiidan wuxuu hoos u dhacay 0.2 boqolkiiba bishii Abriil, sida uu muujinayo cabirka wax soo saarka gudaha oo laga soo xigtey hay'adda tirakoobka Iswiidhen SCB iyo xulka kubadda cagta Iswiidhen oo la kulmi doona caawa dhigooda Serbia iyo wararkal..

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    08/06/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Codbixintii ugu horeysay ee cimilada ee baarlamaanka Yurub (EU) oo ku dhamaatay guul darro lama filaan ah maanta. Laba qareen oo kamid ahaa qareenada magaalada Stockholm oo lagu soo oogey dacwado dil iyo daroogo la xiriira iyo guddoomiyihii guddi-hoosaadka baarlamanka Iswiidhen oo jagooyinkii iska casilay.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    07/06/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ra'iisul wasaaraha Iswiidhen Magdalena Andersson ayaa ku faraxsan in wasiirka cadaalada iyo arrimaha gudaha Morgan Johansson uu sii ahaan doono howsha xafiiska wasaarada kadib markii uu badbaaday in loo qaado mooshin codka kalsoonida oo ka dhan ah isaga, Iyo shirkadda duulimaadyada ee SAS oo aan wax lacag ah ka helidoonin dowladda iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    03/06/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kadib markii xisbiga Centerpartiet uu ku dhawaaqay in xisbigu uusan taageeri doonin in codka kalsoonida lagala noqdo wasiirka cadaalada Morgan Johansson (S), Awooda hadda waxay gacanta ugu jirtaa, Amineh Kakabaveh oo duurjoog ah, macnaheeduna yahay in aanay xisbina ka tirsanayn baarlamaanka. Dab dhawr meel qabsaday ayaa ka dhacay Trollhätaan,iyo warar kale

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    02/06/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dawladda Iswiidhen waxay soo jeedinaysaa in hub dheeraad ah la geeyo Ukreyn waxayna maanta u gudbisay baarlamaanka hindise sharciyeedka wax ka bedelka miisaaniyadda si loo taageero difaaca Ukreyn. SD oo mooshin ka keentey Morgan Johanson wasiirka Cadaaladda Iswiidhen, iyo nin ruumaanka loo dhigey dil dhacay 25 sano ka hor.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    01/06/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Isbeddelka cimilada, amniga iyo la dagaallanka dambiyada abaabulan ayaa ah waxyaabaha ay Iswiidhan ay diiradda saari doonto marka ay hoggaaminayso shaqada Midowga Yurub sanadka soo socda. iyo Waalidiint ayaa heli doona magdhowga , daryeelka carruurta (Vab) haddii uu waalidku u raaco dhakhtarka ilkaha cunigiisa - xitaa haddii ilmuhu gaadhay laba iyo toban sano. iyo warar kale

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    31/05/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Soo saarista Baasaboorka Iswiidhen oo dib-loo billabayo, kadib markii la hagaajiyey ciladdii ku timid mashiinkii soo saari jiray ee dalka Finland, iyo Paludan oo banaanbaxyadiisii ogolaansho u helay. iyo nin ilmo uu dhalay midna dilay midna dhaaac halis ah oo tooreey u geeystay. Falka ayuu qirtay hase yeeshee sheegay in aanu wax dembi ah gelin.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    30/05/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dilaagii Malin Lindström ayaa gacanta lagu dhigey oo ciidanka booliisku soo xireen kadib amarkii maxakamadda Sare ay ku dhawaaqday kiiskan 25 sano kadib geerideedii gabadha in dib loo furo. iyo EU oo ka dooday Cunaqabateynta Naftada Ruushka iyo warar kale

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    27/05/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dhowr ka mid ah wargeeysyada Turkida ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay shan siyaasi oo Iswiidhish ah oo ey ku eedeeyeen in ay gacan saar la leeyihiin ururka Kurdiyiinta ee PKK oo Turkiga iyo Midowga Yurub u aqoonsan yihiin urur argagixiso ah iyo warar kale

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    25/05/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta waxaa kulmaya wufuud ka kala socota Sweden,Finland iyo Turkiga si ay uga doodaan shuruudaha Turkigu uu ku xiray labada wadan si uu u ansixiyo codsigooda ku biiritaanka NATO. iyo wararkale

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    24/05/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka dhaqdhaqaaqa adhileeyda Sweden wuxuu soo dhaweynayaa in dowladdu ay hadda dhimi doonto tirada yeyda Iswiidhen iyo warar kale

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    23/05/2022 Duración: 03min

    Turkiga oo ogolaada codsiga Iswiidhan ee ku biiritaanka NATO, ayaa laga yaabaa in uu dheeraado sida sheegey mid ka mid ah professor Huseyin Bagci oo wareysi siiyey SVT. Turkiga oo ogolaaada codsiga Iswiidhan ee ku biiritaanka NATO, ayaa laga yaabaa in ay waqti dheer qaadato sida uu sheegey professor Huseyin Bagci. Tan iyo sannadkii 2017 tirada carruurta iyo dhallinyarada xiriir la leh cilmu-nafsiga carruurta iyo dhallinyarada ayaa kordhay 14 boqolkiiba iyo warar kale.

página 25 de 25