Sbs Somali - Sbs Afomali

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editor: Podcast
  • Duración: 158:09:38
  • Mas informaciones

Informações:

Sinopsis

Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.

Episodios

  • SBS News Somali: Warka Talaado 13 January 2026

    13/01/2026 Duración: 05min

    Warka waxaa ka mid ah Danjire Kevind Rudd oo iska casiley xilka danjiraha ee uu Australia ugu fadhiyey Maraykanka iyo koox falastiiniyiin oo ay Israel taageerto oo dilay mas'uul ka tirsan kooxda Xammaas

  • SBS News Somali: Warka Isniin 12 January 2026

    12/01/2026 Duración: 04min

    Golayaasha deegaanka ee New South Wales ayaa yeelan doona awood xoog badan oo ay ku xiraan goobaha lagu baahiyo khudbadaha naceybka, ee dadka ku dhiirrigeliya fikradaha xagjirka ah.

  • Your guide to camping in Australia - Australia Explained: Dalxiiska habeen-dhaxa baadiyaha ee Australia

    12/01/2026 Duración: 13min

    Going camping is an incredible way to experience Australia’s great outdoors whilst also taking a break from technology and daily routines. We unpack the benefits of camping, the preparation required, the equipment you should consider taking, and how to be a considerate camper. - Laga bilaabo xeebaha illaa dhulka baadiyaha ah ee outback-ga la yiraahdo, , Camping-ku waa hab sahlan oo raqiis ah, oo looga nasto cadaadiska nololeed, laguna raaxaysto quruxda dabiiciga ah ee Australia. Faa'iidadiisa, qalabka la sii diyaarsado iyo macluumaadka muhiimka ah ee la sii ogaado ayaanu kuu qeexaynaa.

  • SBS Somali Program Full - Jimce 9 January 2026

    12/01/2026 Duración: 53min

    Waa barnaamijkii Jimce, 9 January 2026 oo dhammays-tiran.

  • SBS News Somali - Warka Australia iyo caalamka 9 January 2026

    09/01/2026 Duración: 10min

    Ra'iisal-wasaare Anthony Albanese, ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay guddiga awoodda leh ee Royal Commission si ay usoo baaraan arrimaha ku gadaaman weerarkii xeebta Bondi iyo Yuhuud-necaybka.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya Jimce 9 January 2026

    09/01/2026 Duración: 08min

    Warka Soomaaliya maanta waxaa ka mid shirweyne xisbiga Haybad Qaran uga furmay Muqdisho oo ay kasoo qayb galeen Madax hore iyo siyaasiyiin.

  • Xannaanada carruurta oo la raqiisiyey saddex beri toddobaadkiiba

    08/01/2026 Duración: 08min

    Waalidiinta carruurtooda u dira xarumaha xannaanada carruurta (childcare) ayaa hadda loo oggolaaday in kharashka xannaanada caruurta laga bixiyo 90 boqolkiiba, muddo saddex maalmood ah toddobaadkii, iyada oo aanan lagu xiraynin wax shuruud ah.

  • SBS News Somali - Warka Khamiis 8 January 2026

    08/01/2026 Duración: 05min

    Victoria oo berri oo jimce ah laga mamnuucay shididda dab, kulaylaha daran awgii. Ingiriiskuna wuxuu sheegay inuu Maraykanka ka caawiyey qabashada markab nooca shidaalka ah oo lala xidhiidhiyey Venezuella iyo Iiraan.

  • SBS News Somali - Warka Arbaco 7 January 2026

    07/01/2026 Duración: 09min

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa booqasho ku tagay Somaliland, isagoo ballanqaaday in Israa’iil ay ka furi doonto safaarad, kaddib markii Israa’iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadaas ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameynayo arrimaheeda gudaha.

  • Somalia News - Warka Soomaaliya 7 January 2026

    06/01/2026 Duración: 07min

    Culimada diinta ee Muqdishu ayaa iclaamiyey bannaan-bax looga soo horjeedo, waxa ay ku tilmaameen faro-gelinta Israel ee Soomaalia.

  • Siraha 2005: Masiibooyin, Amni iyo Cudurrada Faafa ee Ku Qornaa Waraaqahii Golaha Wasiirrada

    06/01/2026 Duración: 11min

    Boqolaal waraaqood oo ay ku qoran yihiin xogohii qarsoodiga ahaa, ee sidii ay u shaqayn jirtey xukuumaddii Jonh Howard 2005-tii ayaa hadda la sii daayey ama la fasaxay. Waxyaalaha ku qorannaan waxaa ka mid ah, digniino ku saabsan doorka ay ciidamada difaaca Australia ka qaadanayeen qulquladihii ka jirey dalka Afghanistan iyo sida ay Austraalia diyaar ugu ahayd masiibo cudur faafa

  • DIB-U-EEGIS 2025: Caafimaadka Australia – wax cusub iyo halganno hore

    06/01/2026 Duración: 13min

    Waxaa la xaqiijiyay inay Australia tahay dalka ugu xasaasiyadda badan dunida. Sanboorka ayaa ku dhaca ku dhowaad 24% dadkaa Australia , halka xasaasiyadda cuntada laga qaadaanaa ay saamayso qiyaastii 7%. Australia ayaa sidoo kale ah waddanka ay ugu badan yihiin carruurta qabta xasaasiyadda cuntadu.

  • SBS News Somali: Warka Talaado 6 Junuary 2026

    06/01/2026 Duración: 05min

    Wararka Talaado, waxaa ka mid ah, ninkii lagu eedeeyey weerarkii xeebta Bondi Beach oo loo wareejiyey xabsi ammaankiisu aad u adag yahay. Xaafadaha darafyada magaalooyinka waaweyn oo looga digey dab-dabkaymeedyo. Iyo M.weynaha Ukraine oo sheegay inay Ruushka ka dileen 35,000 oo askari bishii December.

  • SBS News Somali: Warka Isniin 5 January 2026

    05/01/2026 Duración: 04min

    Boqollaal malyan oo doollar ayaa weli Sydney ku sugaya inay dadkii xaq u lahaa soo dalbadaan. Hay'adda Revenue New South Wales ayaa haysa lacago kala duwan oo baadi ah, dadkii lahaana aanay soo dalbannin.

  • Barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammaystiran

    05/01/2026 Duración: 55min

    Waa barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammays tiran

  • Warkii Soomaaliya - Jimce 2 January 2026

    02/01/2026 Duración: 07min

    Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir ay yeesheen.

  • Malaysia Airlines MH-370 oo dib loo raadinayo tobaneeyo sano ka dib

    30/12/2025 Duración: 15min

    Baadigoob cusub oo dib loogu raadinayo diyaaraddii Malaysia Airlines ee number-ka duulimaadkeedu ahaa MH370 ayaa dib loo bilaabay Talaadadii, December 30 2025, in ka badan toban sano kaddib markii ay diyaaraddaasi luntay. Diyaaraddaas ayaa ka duushay magaalada Kuala Lumpur kuna sii jeedday magaalada Beijing, iyadoo ay saarnaayeen 239 qof.

  • SBS News Somali: Warka Talaado 30 December 2025

    30/12/2025 Duración: 04min

    Booliiska New South Wales ayaa xiray nin lagu eedeeyey qorsheyn toogasho goob dadweyne. Premier-ka New South Wales, Chris Minns, ayaa ka digey korodhka Islam-necaybka oo la sheegay inuu kordhay dhacdadii Bondi ka dib.

  • Khadka taageerada qaxoontiga oo mashquul noday weerarkii Bondi ka dib

    29/12/2025 Duración: 10min

    Khadka telephone-ka ee taageerada qaxoontiga oo loo la yiraahdo khadka Witness to War ayaa aad mashquul u noqday ka dib weerarkii dhowaan lagu qaaday xeebta Bondi Beach. Dowladda federaalkuna waxay ugu deeqday $3.6 million.

  • SBS News Somali: Warka Isniin 29 December 2025

    29/12/2025 Duración: 04min

    Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ururka Carabta ayaa Israel ku cambaareeyey aqoonsigeeda Somaliland. Premier-ka New South Wales-na wuxuu shacabka ku war- geliyey inay habeenka sannadka cusub arki doonaan booliis hub culus wata.

página 1 de 41