Sinopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodios
-
SBS News Somali: Warkii Khamiista 4 December 2025
04/12/2025 Duración: 05minToban ka mid baraha bulshada ayaa waajihi doona ganaax dhan konton million oo doollar ($50 million) haddii ay 10 December masixi waayaan dhammaan koontooyinka dadka Australiyaanka ah ee ka yar 16 jir.
-
SBS News Somali: Warkii Arbaca 03 November 2025
03/12/2025 Duración: 11minDowladda Federaalka Australia ayaa doonaysa in dacwad-wadareedka ka dhanka ah ciidanka difaaca dalka (ADF), laga saaro eedeymaha la xiriira tacaddiyada galmada iyo takoorka ee ka dhacay dalka dibaddiisa
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya ee Arbaca 03 November 2025
03/12/2025 Duración: 10minAfartan iyo saddex (43) ka mid ah ururrada siyaasadda ee diiwaan gashan oo ka shiray habka loo wajahayo qabashada doorashooyinka. Xaruunta wasaaradda qorshaynta Soomaaliyana waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey dardar gelina gurmadka abaaraha Soomaaliya ka jira.
-
Diiratada (larvae farms) ayaa xal looga helay dhibaato $38 billion oo doollar ah
03/12/2025 Duración: 09minHaweeney la yiraahdo Olympia Yarger [[Yar-gah]], ayaa waxay alliftey nidaam looga faa’ideysto, haraaga cuntada iyada oo u adeegsatey cayayaan la yiraahdo, Black Soldier Insects. Waa nooc ka mid ah, cayayaan ku jira maraxaladda diiratada ama dirindiirta oo ah wejiga labaad ee nolosha aymaraan cayaayaanku inta aanay u gudbin wejiga duulista ah kan ay fidsadaan baalasha.
-
Codsigii cafiska ee Netanyahu oo sababay cadho iyo debedbaxyo
03/12/2025 Duración: 10minIsrael waxaa ayaamahan ka socda gilgil siyaasadeed kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si rasmi ah, codsi cafis-doon ah ugu gudbiyay Madaxweyne Isaac Herzog , isagoo raba in laga cafiyo dacwaddiisa weli socota ee ku saabsan musuqmaasuqa.
-
SBS News Somali - Warka Talaado 02 November 2025
02/12/2025 Duración: 03minXubno ka tirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Xiritaanka Sharci-darro (UN Working Group on Arbitrary Detention) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Australia 1–12 December, si ay u eegaan xaaladaha xabsiyada, saldhigyada booliska iyo xarumaha lagu hayo dhalinyarada.
-
Dambkaymeedka halistiisa korodhay oo laga digey xilligan summer-ka
02/12/2025 Duración: 05minXilligii kulaylaha ee summer-ka la yiraahdo, ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabmay Australia. Dadka Australian-ka ayaa sidaa darteed lagu boorrinayaa in aanay is dhiggannin oo ay ammaankooda ilaaliyaan.
-
Albo Wedding - Arooskii Ra'iisal Wasaarha Australia
01/12/2025 Duración: 05minRa’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo lamaantiisa Jodie Haydon ayaa maalinkii sabtida ee November ahayd 29 isku guursaday, maglaada Cambera, halkaas oo ay ka dhacday xafladdii meherkoodu.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 01 December 2025
01/12/2025 Duración: 05minKor-joogaha madaxa bannaan ee dowladda Australia u qaabilsan Internet-ka, ayaa sheegaysa in baabuurta casriga ah – ee loo yaqaan smart cars – loo adeegsanaayo in lagu basaasao laguna raadraaco haweenka la kulma tacaddiyada guryaha. Godka tareennada hoos maraan ee Metro Tunnel oo ku yaalla Melbourne ayaa 24 saacadoo guduhood adeegsaday in ka badan 70,000 oo rakaab markii ugu horreysey ee la furay.
-
SBS Somali Full Program - Barnaamijkii jimcaha 28 November 2025
30/11/2025 Duración: 50minDhegeyso barnaamijkii jimcaha 28 November 2025 oo dhammays tiran oo laga reebay xayaysiiskii.
-
SBS News Somali: Warka Jimcaha 28 November 2025
28/11/2025 Duración: 08minBooliiska Victoria ayaa xidhay nin 18 jir ah oo la qabtay isagoo baabuur ku wadey in ka badan 220 km saacaddiiba. Ruushka iyo Ukraine-na labo hadal oo kala duwan bay ka sheegeen wadahadallada heshiiska joojinta labada dal.
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya 28 November 2025
28/11/2025 Duración: 10minShirweynihii 3aad ee culimada Soomaaliyeed ee Muqdishu ka socdey ayaa soo xidhmay. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya ayaa ka soo qayb galay xidhitaanka. Waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed.
-
‘I felt powerless’: Dalabyo lagu xoojinayo aqoonta sharci ee dhibbanayaasha kufsiga
27/11/2025 Duración: 14minShantii dumar ahba midkood iyo 16-kii rag ahba midkood ayaa gudaha Ausrtarlia kula kulmay tacaddiyada galmada iyagoo qaangaar ah. Sidaa ay tahay, haddana 92% dumarka ahi ma soo sheegaan tacaddigii ugu dambeeyay ee lagula kacay. Waxaa lagu baaqay in kor loo qaado aqoonta sharciga ee dhibbanayaasha, si ay uga caawiso inay fahmaan nidaamka cadaaladda ee adag isla markaana hoos loo dhigo heerka ay dacwadaha kufsigu ku burburaan.
-
Kirada guryaha Australia oo cirka gashay iyo Perth oo ugu qaalisan
27/11/2025 Duración: 08minInkasta oo heerarka dulsaarka ee deynta guryaha la iibsado ay hooseysey muddo, haddana waxaa weli gudaha Australia ku yar, haddiiba la helana lacagta kiradu qaali ku tahay, guryaha kirada ah. Magaalada Perth ayaa hadda ah meesha celcelis ahaan ugu kiro qaalisan.
-
SBS News Somali - Warka Khamiis 27 November 2027
27/11/2025 Duración: 05minRa'iisal wasaare Anthony Albanese, ayaa heshiis la gaarey xisbiga Greens-ka, ku saabsan wax-ka-beddelkii sharciga deegaanka. Waddanka guinea-Bissau-na ciidanka militeriga ayaa inqilaab kula wareegey xukunka dalka.
-
SBS News Somali - Warkii dalka iyo caalamka 26 November 2025
26/11/2025 Duración: 10minHoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, ayaa laga mamnuucay inay soo fadhiisato aqalka senetor-rada toddoba fadhi. Warbxinna waxaa lagu ogaaday in kumanyaal Ausralian ahi, qabaan cudurka Sonkorowga qaybtiisa Type 1, iyaga oo aan ogeyn.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 26 November 2025
26/11/2025 Duración: 10minM.weyne Hassan Sh. Mohamud ayaa soo xiray shirweynihii labaad ee aqoonsiga qaranka ee hay'adda NIRA.
-
Shirkii G20 oo lagu sheegay guul diblomaasiyadeed iyo Donald Trump oo ka maqanaa
26/11/2025 Duración: 09minHoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku tilmaamay shirkii ugu horreeyay ee G20 ee lagu qabto qaaradda Afrika inuu yahay guul u soo hoyatay wada-jirka iyo iskaashiga caalamiga ah, laakiin madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isagu ka maqnaa shirka, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo ku saabsan doorka uu maraykanku kaga jiro nidaamka caalamiga ah ee isbeddelaya.
-
Inqilaab hoggaamiye iyo dib-u-celin siyaasadeed. Sidee u bed qabtaa dimoqraadiyaddeenu?
25/11/2025 Duración: 09minAustralia waxay ku dhaqantaa qaab-siyaasaddedka la yiraahdo Westminister oo biyo-shubkiisu yahay in dowladdu ku dhisntaato labo qaybood oo iskasoo hor jeeda – Xukuumadda iyo xukuumad-sugaha oo kor-meera shaqada xukuumadda. Haddaba maadaama qaybtii xukuumad-sugaha Australia, oo ah xisbiga is-bahaysigu, ay galeen xaaladdan adag oo midnnimo la’aanta iyo hoos-ka-guuxa ah, sidee bay u saamaynaysaa nidaamka Westminister ee Australia?
-
SBS News Somali - Warka Talaado 25 November 2025
25/11/2025 Duración: 06minMadaxa ururka haweenka muslimiita Australia ayaa cambaaraysey hoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, oo baarlamaanka soo gashay iyadoo xiran Burqa iyo warar kale.